MUQDISHO oo laga furay meelo la geeyo gabdhaha jirkooda ka ganacsanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Axmed Baarqab ayaa sheegtay in ay jiraan goobo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la geeyo haweenka Jirkooda ka ganacsada, taasina ay tahay wax aan la aqbalikarin.

Gudoomiye Jawaahir waxa ay sheegtay in ay jiraan gabadho la Afduubtay oo ilaa iyo hadda aan la sheegi karin meel la geeyay, taasina ay muujinayso in ay jiraan kooxo gaar ah oo dumarka dhibaato badan ku haya.

“Waxaa jira markii aad tagto xilliyada habeenkii liido gabdho badan oo bajaaj lagu keenayo, waxaan jira meel la yirahdo backa sii, tasina ay tahay faaxisho aad u badan,anaga waxaana nahay haween mar walba qaxaan ka hadalnaa dhibaatada haweenka loo geysanayo.

Xilliyadda habeenkii ah ayay sheegtay in Muqdisho lagu qabto Bandhigyo ay kala duwan oo lagu fasahaadinaayo Hablaha kunool gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xustay in Ciidamada Booliska laga rabo in ay baadigoob ku sameeyaan Hablaha ka yimid UK oo Gudaha Magaalada Muqdisho lagu La’yahay.

Waa markii ugu horreysay oo Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab uu ka soo yeero hadalkaas,iyada oo hadalheynta Magalada uu noqday Warkaasi ka soo baxay.

Halkaan hoose ka dhageyso