Maxay yihiin diyaaradaha Mareykanka ee sida sirtaa wax uga qaada garoonka Muqdisho habeen kasta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen kasta marka ay saacadda tahay 3:00 AM, waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka kaca diyaarado ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas shaaca ka qaaday siyaasiga Faarax Macallin oo aad ugu dhow dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay twitter-kiisa ayuu Faarax Macallin ku sheegay in diyaaradahan oo ay leeyihiin milatariga Mareykanka islamarkaana ah kuwa xamuulka ay isaga gudbaan garoonka Aadan Cadde iyo kan Balidoogle, kadibna ay usii duulaan goob aan la aqoon.

Waxaa sidoo kale jira, ayuu yiri, konteenaro la eg 40ft oo wax aan la aqoon looga qaado Buur-Hakaba iyo Baraawe.

“Habeenk kasta, abaare 3:00 oo gow ah, diyaaradaha xamuulka milatariga Mareykanka ayaa isaga goosha garoonak Muqdisho iyo Balidoogle, xilli mugdi ah, sir bandanna la qariyo, ayaga oo aada meel aan la aqoon. Sidoo kale konteenaro 40ft ah ayaa laga qaadaa Buur-Hakaba iyo Baraawe. Ma waxay xadaan macdanta?” ayuu Faarax ku yiri qoraalkiisa.

Isla qoraal kaas xigay oo uu raaciyey ayuu Faarax Macallin uga codsaday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay soo celinayaan madaxbanaaninda iyo qarannimada Soomaaliya, oo ay la socdaan waxa ka dhacaya gudaha dalkooda.

Waxa uu ka codsaday inay Mareykanka ka dalbadaan inay shaaca ka qaadaan dhammaan waxyaabaha ay ka samaynayaan gudaha Soomaaliya. “Dalkiina dib usoo ceshta” ayuu Faarax Macallin ku yiri Farmaajo iyo Kheyre.