Aqri: Puntland oo shaacisay sababta ay wasiir Jamaal ugu diiday kulankii Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal shir ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay Garoowe loogu doortay xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, balse maamulka Puntland ayaa ka joojiyay.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, balse hadda ah la-taliyaha Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ku sheegay sababta ay u joojiyeen shirkaas in weli xiriirkii Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid go’an oo aan wanaagsaneyn, sidaas darteed aysan aqbali karin in dowladda ka howl-gasho deegaanada Puntland.

Kulanka oo uu ka qeyb geli lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa mid ay su’aalo ku weydiin lahaayeen ardayda jaamacadaha Puntland, iyada oo lagu qaban lahaa Jaamacada PSU.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan weli dhankiisa kama hadlin go’aanka Puntland ay ku joojisay kulankaas, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com