Akhriso: LIISKA wasiirada xukuumadda R/W Kheyre ee ah xildhibaannada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee kuraasta Xildhibaanimo ka helaaya Golaha Shacabka.

Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee aan qeybta ka aheyn Baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay baadi-goobka Kuraasta Golaha Shacabka, si ay uga gaashantaan Xildhibaanada Mucaaradka.

Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu Hoggaamiyo Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa Seddex meelood laba meel iyo bar xiligaani ka tirsan Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay Xukuumadu sifeyneyso Wasiirada aan xubinta ka aheyn Baarlamaanka Somalia.

Wasiiro ku-xigeenada oo ay ku jiraan Xildhibaano ayaa qudhooda sii kordhinaaya tirada Wasiirada, balse warbixinteena ayaan diirada ku saareynaa keliya Wasiirada Xildhibaanada ah.

Qorshooyinka ay Xukuumada ka leedahay in kuraas Xildhibaanimo ay helaan Wasiirada aan qeybta ka aheyn Baarlamaanka ayaa ah mid lagu wiiqayo awooda Xisbiyada Mucaaradka ee codadka ku dhex leh Baarlamaanka.

Wasiirka Qorshaynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu danbeeyay Wasiirada sida sahlan uga midka noqday Golaha Shacabka waxaana qadka kusoo jira Wasiiro kale oo ku biiri doona Baarlamaanka.

Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia ee iminka qeybta ka ah Golaha Shacabka ayaa dhan 17 Wasiir oo aysan ku jirin Wasiir ku-xigeenada oo qaarkood Xildhibaano ah.

1- Wasirka Maaliyada.

2- Wasirka Qorsheynta.

3-Wasirka Gashandhiga.

4-Wasirka Amniga gudaha.

5-Wasirka Diinta iyo Awqafta

6-Wasirka waxbarashada

7-Wasirka Ganacsiga iyo warahadaha

8-Wasirks Kalumeysiga iyo Kheyradka Badda

9-Wasirka Dekadaha iyo Gadiidka badda

10-Wasirka Beeraha

11-Wasirka Gargaarka iyo ka hortaga Musiboyinka

12-Wasirka Xanaanada Xolaha

13-Wasirka Biyaha iyo Korontada.

14-Wasirka Batrolka iyo macdanta.

15-Wasirka Howlaha Guud iyo Guriyenta.

16-Wasirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

17-Wasirka Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Wasiirada kor ku xusan ayaa gabi ahaan xubno ka ah Baarlamaanka Somalia, waxa ayna ku tiirsan yihiin Wasaaradaha ugu tayada badan.

Dhinaca kale, waxaa jira Wasiir ku-xigeeno iyo Wasir Dowlayaal iyagana ka tirsan Golaha BFS kuwaa oo ka tira badan 17-ka Wasiir ee aan kor kusoo xusnay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com