WEERAR lagu laayay dad SHACAB ah oo ka dhacay gobolka Mudug (Warbixin)

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysnaa ay weerar ku qaaden gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Dadka la socday gaariga la weeraray ayaa xiligaasi kusii jeeday magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, iyadoo weerarka uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay, Afar kalena way ku dhaawacmeen, waxa uuna xiligaa gaariga maraayay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Weerarka gaariga ayaa yimid kadib markii ay darawalka gaariga ku amreen inuu istaago, balse amarka uu ka dhego adeegay.

Saraakiisha Amaanka Galmudug ayaan wali ka hadal weerarka lagu qaaday gaariga iyo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka lagu weeraray gaariga ayaa waxaa waayadan isku hayay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaasi oo ku heshiin waayay dhul daaqsimeed.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com