QISO cajiib ah: Maxaa kala qabsaday CC Sharmaarke iyo Reer Galbeedka kadib heshiiskii Midowga Soviet?

Hore waxaan uga soo sheekeynay sooyaal dhaxal gal ahaa oo aan saddex qeybood ka dhignay; 1 – Qiyaanadii Uu Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku sameeyey Madaxweyne Aadan Cadde balse DANTA QARAN noqotay, 2 – Sidii uu Adan Cadde falceliyey arrintaas. Maanta waxaan soo xiri doonnaa dhacdoyinkaas annaga oo ka sheekeyn doonnaa mid kale oo aad u xiiso badan – Maxaa kala qabsaday Dr. Cabdirashiid iyo Dimlomaasiyiintii reer Galbeedka?

Sheekadii kowaad waxa ay noo joogtay Raisul Wasaare Cabdirashiid oo ku gaaday Madaxweyne Aadan Cadde safar uu u baxay ugana faa’iideystay in uu ka saxiixo warqaddii heshiiska ku simihii Madaxweynaha ahaana Guddoomiyihii Baarlamaanka Jaamac Cabdullaahi Qaalib –dhammaan Eebe ha’uwadana naxariisto.

Sidoo kale waxaa noo xigay in Madaxweyne Aadan Cadde ka calool goostay Raisul Wasaarihiisii oo uu isna la sugay doorashadii Baarlamaanka kaddibna ku bedelay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AUN).

Sidaas oo kale waxaa heshiiskii uu Raisul Wasaare Cabdirishiid Cali Sharmaarke la galay Midowgii Soofiyeeti ee dhismaha ciidanka qalabka sida iyo qalabeyntooda waxaa ka xumaaday dowladihii reer Galbeedka sida Mareykanka, Italy iyo Germay.

Britain iyadu wey ku jirtay dowladihii ka xumaaday in Soomaaliya la xirato Midowgii Soofiyeeti, hase ahaatee, xilligaas xidhiidh lama lahayn Muqdisho oo cilaaqaadkoodii diblomaasiyadeed waxa uu go’ay markii ay u UK u hoggaansami weyday rabitaankii shacabka gobolka Waqooyi Bari Kenya oo 87% afti laga qaaday ugu coodeeyey in ay la midoobaan Soomaaliya.

Markii ay reer Galbeedkii ogaadeen in arrintaas dhacday waxa ay safiiradooda jooga Muqdisho ku amreen in ay u tagaan Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay ka codsadaan in uu ka laabto go’aankaas iyaguna ay 5000 (Shan kun) oo aad u qalabeysan ka dhigi doonaan ciidmada Soomaaliya – waa tiro 2000 (Laba kun) dheer intii ay markii hore ogolaayeen!

Saddexdii safiir ee USA, Italy iyo Germany waxa ay ugu yimaadeen xafiiskiisa balse waxa uu dhammaantood ku qaabilay muddo shan daqiiqo ah Iyana oo midba goonidiisa loogu fasaxay xafiikska!

Waxa uu mid walba ku yiri hale eray oo sooyaalka galay: ‘Somalia no longer seeks armies from the West’. Waxa uu micneheedu yahay: “Soomaaliya hadda ugama baahna reer Galbeedka Ciidan iyo hub.’

W/Q: Mohamed Muse Adan (Moh’ed Kaafi)
Email: Muhamedkaafi@Gmail.com
Facebook: Mohamed Kaafi

Waxaa iiga sheekeeyey General Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya ee Jaamacadda.