Sidee ayuu madaxweyne Aadan Cadde uga falceliyey qiyaanadii R/W Sharmarke?

Sidii aan dhawaan uga soo sheekeennay taariikhdii uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarkee (AUN), sidoo kalena soo noqday Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, ee uu uga qariyey heshiiskii uu la galay Midowgii Soofiyeeti ee ku saabsanaa dhisidda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo qalabeyntooda waxa ay dhalisay khilaaf iyo kala tag isaga iyo Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan.

Cabdrashiid Cali Sharmaarke (AUN) xilligaas uu heshiiska la galayo Midowgii Soofiyeeti waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaare balse xeelad iyo sir qarin qotodheer ayuu ku helay saxiix Madaxweyne oo uu heshiiska ku meel maro,  waxa uuna ka saxiixay guddoomiyihii Baarlamaanka ee waqtigaas Cabdullaahi Jaamac Qaalib kaddib safar uu u Italy ugu baxay Madaxweyne Aadan Cadde.

Sidee ayuu uga falceliyey Madaxweyne Aadan Cadde?

Madaxweyne Aadan Cadde isma dhibin oo si shaacsan uma muujin in uu ka calool goostay Ra’iisul Wasaarihiisa balse waxa uu sugay in uu uga aar goosto doorashada soo socota oo uu fursad u heli doono in uu markale soo magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Sidii uu rabay Madaxweyne Aadan Cadde ayaa dhacday waxaana sanadkii 1964 loo dareeray doorashooyinkii Baarlamaanka oo ay aqlabiyadda heshay SYL oo ay ka wada tirsanaayeen.

Madaxweyne Aadan Cadde waxa uu soo magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo noqday Ra’iisul Wasaarihii dalka.

Hase ahaatee, waxaa magacaabistiisa diiday oo siin waayey codkii kalsoonida Golihhii Baarlamaanka oo ku celiyey Madaxweyne Aadan Cadde.

Yeelkeede, Madaxweyne Aadan Cadde wuu ku adkeystay xulashadiisa oo markale ayuu magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo markii dambe helay codkii kalsoonida.

W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi)
Email: Muhamedkaafi@Gmail.com