“Boqortooyada Sacuudiga waxaa ku soo socda burbur weyn oo u baahan in si deg deg ah looga hortago”

Paris (Caasimada Online) – Hadalheyn weyn ayaa ka dhalatay ka bixitaankii uu Sacuudiga kasoo baxay qoraaga weyn ee reer Sacuudi kaasoo lagu magacaabo Marzuuq Al-Cuteybi, oo hadda magangalyo ku joogo Magaalada Caasimadda u ah France ee Paris.

Ka tagista uu ninkaan isaga tagay dalka Sacuudiga ayaa keentay falcelin weyn oo Gudaha iyo Debadda Sacuudiga ah kadib markii uu ku dhawaaqay dhisitaanka Dhaqdhaqaaq mucaarad ku ah Sacuudiga oo ay ku midoobeyn Tobanaan kun oo ka tirsan mucaaradka waxa loogu yeero (Nidaamka cusub ee Aala Sacuud).

Ka tagistii Sacuudiga uu ka tagay Al-Cateybi ayaa dharbaaxo kale oo kulul ku ah Nidaamka Sacuudiga  ee Ololaha caburinta ku hayo xubnaha mucaaradka ku ah.

Cuteybi oo aan rabin inuu banaanka usoo bixiyo qorshihiisa mustaqbalka fog iyo sababta uu uga soo baxay Wadankiisa ayaa wareysi xasaasi ah siiyey Jariirada Al- Khaliij Online.

Jariiradaan oo intii ay wareysanayey Cuteybi waydiisay waxbaayo badan ayaa waxaa kamid ah wixii uu ka hadlay dhibaatooyin xoog leh oo ay Sacuudiga wajaheysiga waqti xaadirkaan.

Qoraagaan ayaa ku sheegay sababtii uu Sacuudiga uga soo baxay inay tahay xaaladda adag ee hadda ka taagan dalkaaas “ Inkastoo nidaamyadii hore ay wadeyn caburin , haddana Nidamka cusub ee Maxamed Bin Salman wuxuu soo dhaafay dhammaan xuduudihii loogu tagalay waxaana dalka ku socdo burburin gudaha ah waxayna taas keentay inuu dalka galo musuq maasuq aan horey loo arag” ayuu yiri.

Isagoo hadalka sii wato ayuu yiri “ Waxa loogu yeero Dowladda Jaziiradda Carabta waxay u baahan tahay in si deg deg looga soo gaaro lana badbaadiyo, taasna waa arrinta keentay inaan isku keeno dhammaan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ku ah Sacuudiga ee ku kala sugan Gudaha iyo Debadda”.

Qoraagaan ayaa banaanka soo dhigay inay jiraan dad badan oo la xiray isla markaasna lagu sameeyey xad gudubyo waaweyn.

“ Hoggaamiyaha Hadda talada hayo wuxuu sii badiyey xarigga loo geysanayo shacabka iyo Ihaaneysiga dadka xiran oo loo geystay cadaab midkii ugu darnaa, sidoo kale dadka la xiray waa la hor geeyaa Maxkamado qarsoon oo aysan jirin damaanad sharci ah iyo Cadaalad”.

Sidoo kale wuxu sheegay inay jiraan Ilmo yar yar oo la dilay kuwaas oo xirnaa sanado badan, wuxuuna arrintaas ku sheegay inay tahay mid aan loo dulqaadan karin isla markaasna aan la fiirsan karin inta dadka dhan laga dhameenayo sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayey aheyd markii illo wareedyo ka tirsan Hey’adaha Xuquuqul insaanka Sacuudiga ay shaaaciyeen inay Dowladda Sacuudiga xiray sanadkii 2017 ilaa 3 kun oo qof oo ra’iyi ahaan khilaafsanaa Boqortooyada, waxayna dadkaas isugu jireyn dad leh khibrado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Culimo ah, kuwa bartay Cilmiga qaanuunka iyo kuwa kale oo ku takhasusay Saxaafadda.

Sidoo kale illo wareedyo kale ayaa Majaladda Al-Khaliij Online u sheegay in Boqortooyada ay xirtay Haween badan oo qaarkood lala xiray carruur yar oo ay dhaleyn kuwaas oo ku jiro xabsiyo aan lagu ilaalin xuquuqda Bini’aadamka.

Mar la waydiiyey qoraagaan sababta uusan arrintaas usoo bandhigin intii uu sugnaa gudaha Sacuudiga ayuu ku sheegay inaysan macquul aheyn inuu Gudaha Sacuudiga kaga hadlo tacadiyada ay dowladda Wado, wuxuuna sheegay in lagu dari lahaa liiska dadka xiran haddii uu ka hadli lahaa intii uu halkaas joogay.

Ugu dambeyntii Qoraagaan weyn ayaa sheegay inuu hadda isaga iyo mucaaradka Sacuudiga iskala shaqeyn doonaan sidii dadka xiran loo soo deyn lahaa sidoo kalana loo joojin lahaa caburinta lagu hayo inta aan xirneyn ee loo diiday inay ka hadlaan dhibaatada dalkooda ka taagan.

Dowladda Sacuudiga ayaa hadda wajaheyso mucaaradkii ugu badnaa, waxayna dowladda xarig iyo jirdil isugu dartay dhammaan dadka Mabda’ ahaan kasoo horjeedo, waxaana dadka la xiray ku jirana Culimo waaweyn oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamiga kuwaas oo aan la ogeyn halka la geeyey iyo Nolol iyo Geeri midda ay ku sugan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com