DAAWO Video: Cutubkii u horreeyey ciidamada uu tababaray Turkiga oo lagu wareejiyeyDF Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay cutubkii u horeeyay Ciidamada uu tababaray Turkiga ee ku jira Saldhigga Milateri ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa u tababaray dowladda Soomaaliya kumanaan askar oo la siiyay tababar casri ah, iyadoo horay dhowr cutub tababar loogu soo gabagabeeyay xerada.

Dhanka kale waxaa maanta lagu dhaariyay 47 Saraakiil iyo Layli Saraakiil, kuwaas oo uu tababaray Turkiga ayaa maanta lagu dhaariyay Muqdisho.

Munaasibaddan waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya sida Taliyaha Ciidanka Milatariga Daahir Aadan Cilmi, Taliyihii hore C/Wali Jaamac Gorod, Wasiirka Gaashaandhigga Amar-dambe, Guddoomiyaha Gobolka Yariisow iyo xubno kale.

Munaasibadda dhaarinta kaddib ayaa waxaa goobta khudbado ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qeybgalay,waxaana ay saraakiisha iyo saraakiil xigeenta kala jebiyay kula taliyeen in ay daacad u noqdaan dalkooda.

Saraakiishan ayaa tababaranayay muddo sanad ah,waxaana tababarka bixinayay saraakiil ka socoto Turkiga oo saldhigga gacanta ku haya.

Dadka ka qeybgalay munaasibadda waxaa ka mid ahaa Waaliddiinta iyo Ehelka Saraakiisha dhameystay tababarka oo waalidkood la casuumay.

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo badna, iyadoo Safaaradda ugu weyn ee Afrika uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.