Xildhibaannada mooshinka ka gudbiyay Waare oo dil loogu hanjabay iyo DF oo…

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle ayaa daboolka ka qaaday in Hanjabaado kala duwan loo jeediyay kadib Mooshinkii ay ka gudbiyeen Hogaamiye Waare.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loogu hanjabay in la dhibaateyn doono haddii ay kusii adkeystaan Mooshinka ay ka wadaan Hoggaamiye Waare oo xalay fiidkii la gudoomay.

Xildhibaanada gudbay Mooshinka oo ay soo foodsaartay cabsi ayaa sheegay in wixii soo gaara wax laga weydiin doono Dowlada Somalia iyo Hoggaamiyaha maamulka ee Mooshinka laga gudbiyay.

Xildhibaanada oo qaarkood la hadlay Idaacada Dalsan ayaa sheegay inay hanjabaad kala kulmayaan xitaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan qudhooda ku qanacsaneyn Mooshinka laga wado Waare, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada loo hanjabay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Mahad Xassan oo ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle oo sheegay in isaga iyo Xildhibaano badan ay soo foodsaartay xaalad cabsi leh.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaanka in Hanjabaada ay si siman ugala kulmaan mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle iyo kuwa Dowlada Somalia, hase yeeshee waxa uu carab dhabay in hanjabaadasi ay sii kordhin doonto cadadka Mooshin wadayaasha.

Sidoo kale, Xildhibaan Mahad Xassan ayaa sheegay in cabsida iminka heysa ay tahay mid kaga imaaneysa dhinacyada dowlada iyo maamulka, waxa uuna ku adkeystay in Mooshinkaasi ay ka miro dhalin doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, Hoggaamiye Waare oo maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa iminka bilaabay kulamo uu ku doonayo inuu ku kasbado Xildhibaanada Mooshinka laga gudoomay wallow ay ku adkeysanayaan Mooshinkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com