QISO cajiib ah: Qiyaanadii Sharmaarke ku sameeyey madaxweyne Aadan Cadde balse noqotay danta qaran

Tan iyo bur burkii Dowladdii Soomaaliya ee sagaashamaadkii, dalku kama guurin nidaamkii siyaasadeed ee ku dhisnaa Madaxweyne iyo Raiusl Wasaare, kuwaas oo aan awood badan is dheereyn.

Awoodaha iska ag dhaw ee Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ee uu isaga soo doorto waxa ay sababtay in ay iska hor yimaaddaan siyaasad ahaan, haba ugu badnaatee dowladihii burka marka laga reebo midda ay hadda hormuudka u yihiin Lada hoggaamiye ee hadda talada haya ee is bedel doonka ah “Reformists), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre, madaxdii hore iyaguna wey is khilaafi jireen.

Hadaba maxaa dhacay?

Soomaaliya markii ay gobonimada qaadatay waxaa Madaxweynihii ugu horreeyey noqday Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) halka uu Raisul Wasaarihii ugu horreeyey noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun), labaduba waxa ay ahaayeen KMG muddo sanad ah, balse markii la ansixiyey aftadii waxaa si rasmi ah 1961 Madaxeyne loogu doortay Aadan Cabdulle Cismaan (Aun), isla sidii ayuu mar labaad Raisul Wasaare ugu magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun).

Soomaaliya xilligaas waxaa wel wel ku hayey dhisidda ciidanka qalabka sida oo awood leh. Taas waxa ay keentay in 1962-kii uu Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) booqashooyin ku maro dalalkii wagaas ugu awoodda badnaa gaar ahaan kuwii reer Galbeedka; Mareykanka, Britain, Germany iyo Italy.

Dhammaan wadamadaas waxa uu ka codsaday Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhisidda ciidamada qalabka sida oo cudud iyo tiraba leh, ha yeeshee, dhammaantood wey ku gacan sayreen iyaga oo isku wada raacay in Soomaaliya loo dhiso 3000 oo ciidan loona qalabeeyo!

Ogow, xilligaas, Itoobiya waxa ay lahayd 30,000 (Sodon kun) oo ah ciidamo Militari oo aad u hubeysan halka ay sidoo kalena lahaayeen 30,000 (Sodon kun) oo kale oo hoos yimaadda sida ciidamada ilaaliyaha boqortooyada (Empire Guards) iyo Boolis.

Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke wey u cuntami weysay sidii ay reer Galbeedku doonayeen waxa uuna go’aansaday in uu xulasho kale raadiyo.

Markii uu dalka ku soo laatay Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu go’aansaday in uu la kulmo Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti Khrushchev balse waxa uu ogaa in uu ku qasban yahay sugidda bisha Sebteembar si ay waji waji isugu arkaan shirweynaha Qaramada Midoobe ee sanadkiiba bishaas toddobaadkeeda labaad la qabto.

Nasiib Wanaag se, Midowga Midowga Soofiyeeti waxa ay marti-qaad u sameeyeen gudoomiyeyaashii Baarlamaanada ee wadamadii la guumeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd.

Taas, waxa ay farxad galisay Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo helay fursad uu dhambbaal ugu gudbiyo Khrushchev maadaama uu gudoomiyahii Baarlamaanka Jaamac Cabdullaahi Qaalib aadayo Moscow.

Cabdirashiid Cali Sharmarke laba maalin kahor safarka gudoomihii Baarlamaanka Jaamac Cabdullaahi Qaalib ayuu farriin u faray taliyihii ciidamada xoogga Jeneral Da’uud Cabdulle Xirsi si uu ugu sheego in farriin hadal ah “Verbal message)  uu Raisul Wasaaruhu ugu dhiibi doono Khrushchev balse ay sir tahay, xafiiskana labadooda oo wada socda ugu imaan doonaan maalinta xigta.

Cabdirashiid waxaa ku adkatay tegidda xafiiska Jaamac Cabdullaahi Qaalib isaga oo is tusay in tuhun ka dhalan doono haddii maalin kahor safarka gudoomiyaha Baarlamaanka lagu arko xafiiskiisa, waxa uu sidoo kale ka xishooday in uu gudoomiyaha ka dalbado in uu isaga u yimaado.

Cabdirashiid waxa uu u sheegay General Da’uud in ay fariinta ugu sheegi doonaan gudoomiyaha Madaarka/garoonka Diyaarahada, markaas oo ay dad badani sagootin doonaan oo haddii gooni loola boxo aysan shaki dhalineyn.

Qorshihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) sidii uu rabay ayuu u fulay waxa uuna farriintii uu doonayey ugu dhiibay Khrushchev oo ahayd “Waxaan idinka codsaneynaa in aad hub iyo tababarba noo siisaan ciidamadeena xoogga”.

Gudoomiyihii Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyey Mosocw safiirkii waqtigaas Soomaaliya u fadhiyey Axmed Maxamed Aadan (Danjire Qaybe).

Danjire Qaybe waxa uu u sheegay Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti Khrushchev in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya farriin hadal ah (Verbal Message) uga sido Raisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Khrushchev, Guddoomiye Jaamac Cabdullaahi Qaalib iyo Danjire Qaybe waxa ay ku kulmeen Badda Madow (The Black Sea), halkaas oo uu farriintii uu ugu gudbiyey Jaamac Cabdullaahi Qaalib.

Muxuu ku jawaabay Khrushchev?

Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti waxa uu ku jawaabay hagaag iyo hawraarsan isaga oo u raaciyey hadalkan “Waan aqbalnay codsigiinna oo wax aan bixinno waxaa noogu fudud hub balse ogaada cadaw ayaad ku yeelan dootaan.”

Si heshiiska looga dhigo rasmi oo loo mariyo qawaanniintii loo baahnaa (Formalities), waxaa Soomaaliya soo aaday Danjire Qaybe oo fududeeyey hawsha maadma uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Moscow taas oo aan shaki badan galin lahayn reer Galbeedkii liddiga ku ahaa Midowga Soofiyeeti halka haddii siyaasi kale ama hoggaamiye kale lagu arko safaaradda Midowga Soofiyeeti a tuhun dhalin lahayd.

Qiyaanaddii Qaranka u wanaagsaneyd ee uu Cabdirashiid ku sameeyey Aadan Cadde

Heshiiska si uu u dhaqan galo waxa uu u baahnaa saxiix Madaxweyne, hase ahaatee, waxa uu ahaa qofkii laga qarinayey yaa saxiixaya?

Nasiib wanaag, Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) waxa uu safar ku tagay Italy, intii uu maqnaa ayuu Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) ka saxiixay Gudoomiyehii Baarlamaanka oo ahaa ku simihii Madaxweynaha markaas Jaamac Cabdullahi Qaalib, halkaasna waxaa sharci ku noqday heshiiskii lala galay Midowgii Soofiyeeti!

Soomaaliya,wixii intaa ka dmabeeyey waxa ay ka baxday canaadkii reer Galbeedka iyada oo taagerero weyn ka heshay Midowga Soofiyeeti oo gaadh siiyey cududdii ciidan ee dalka tii ugu sarreeysay ee Qaaradda Africa.

W/Q: Mohamed Muse Aden (Moh’ed Kaafi)
Email: Muhamedkaafi@Gmail.com

Waxaan ka soo xigtay General Jaamac Maxamed Qaalib, oo qudhiisa xilal waa weyn ka soo qabtay Soomaaliya barisamaadkii, (Taliyaha Sirdoonka (1962), Taliye Boolis, iyo afar Wasaaradood oo xilligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre (Aun).

Jaamac Maxamed Qaalin waxa uu ahaa barahayga Sooyaalka Siyaasadda Ee Heer Jaamacd.

Ballan Qaad

Waxaan sheekdan idiinku xijin doonnaa; Wixii qiyaanada kaddib kala qabsaday Madaxweyne Aadan Cadde iyo Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wixii kala qabsaday Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Reer Galbeedka dhacdadan awgeed.