Madaxweyne Shariif Xasan oo lagu xayiray garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Saaka lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta.

Shariif Xasan ayaa markii garoonkaas lagu xayirayey ka imaaday dalka Sacuudiga oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyey.

Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Laanta Socdaalka dalka Kenya ayaa Shariif Xasan kala wareegtay dukumintiyada uu ku safrayay.

Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxayo arrintaas ayaa sheegeyso in Shariif Xasan lagu sii daayey damiin ka timaaday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Ilaa hadda si cad looma ogo waxyaabaha lagu heysto Shariif Xasan Shiikh Aadan ee keenay in lagu xayiro garoonka Jomma Kenyatta.

Tallaabadaan lagu xayiray Shariif Xasan ayaa imaaneyso xilli horaantii Bishii hore ee September loogu galay Hotel uu ka daganaa Nairobi markaas oo ay baaritaan qolkiisa ku sameeyeen ciidamada Booliska dalka Kenya.

Weerarkaas lagu qaaday Hotelka uu Shariif Xasan ka daganaa Nairobi ayaa la sheegay in looga qaaday Documents sidoo kalana uu dhaawacd fudud kasoo gaaray Shariif Xasan markii ay isku dhaceyn ciidamadii Booliska ahaa ee qolkiisa ugu galay.

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo bil kadib wajihi doono doorasho ka dhici doonto Koonfur Galbeed ayaa maalmihii dambe dalka debadiisa ka waday olole uu lacag ugu raasanayo doorashadaas oo ay kula tartami doonaan ilaa 8 Musharax.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusii wajahan Magaalada Nairobi halkaas oo la filayo inuu kulamo kula qaato Siyaasiyiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com