FIQI oo ka carrooday arrin uu shalay sameeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ah xubin kamid ah xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ayaa si carro leh uga jawaabay warbixin lagu soo daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Fiqi ayaa sheegay inay Wakaalataan tahay mid ka dhaxeyso Ummadda Soomaaliyeed isla markaasna aysan aheyn in loogu adeego siyaasiyiin gaar ah.

Fiqi ayaa aad uga carooday qeyb kamid ah warbixin lagu soo qoray Wakaaladda oo ku saabsaneyd Ra’isulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi oo booqday Xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka.

Ereyga uu fiqi sheegay inay qalad aheyd in la adeegsado ah ayaa ah “Xisbul Haakim” maadaama uu sheegay inaysan jirin meel ay ku tartameen Xisbiyo sidaasna uu talada dalka ugu guuleystay Xisbi la dhihi karo Xisbul Haakim.

Haddaba Halkaan hoose ka akhriso hadalka Fiqi uu soo dhigay Bartiisa Facebook:

Waxaa ii soo dhacday daqiiqado ka hor, fariinta hooose oo ka timid Wakaaladda wararka Soomaaliyeed (SONNA), oo inta aan ka ogahay ah wakaalad dawladeed oo umadda ka wada dhexeysa.

“Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa booqday xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka,isagoo ka soo qaatay xeerka Axsaabta iyo Shuruudaha Diwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka,si loo waafajiyo Dastuurka Xisbul Xaakimka oo dhawaan looga dhawaaqi doono magaalada Muqdisho. SONNAWES.

Waxaa la yaab leh, ayagoo ah wakaaladdii xogta iyo wararka dalka in ay baahiyaan loogu talagalay in ay qaldaan waxyaalo asaasi ah, sida xisbul xaakim, goormaa dalkaan xukunkiisa xisbiyo ku tartameen oo xisbi ku guuleystay xukunka dalka si loo yiraahdo “xisbul xaakim”. Tan kale in xisbi la furtaa muwaadiniinta oo dhan ayey ka dhexeysaa, laakin in mid gaar ah wararkiisa si gaar ah looga tabiyo warbaahin umadda ka dhexeysa soo qalad iyo cadaalad darro umadda laga galayo maahan!

Talo, hawlwadeenada wakaaadda iyo warbaahinta qaranka waxaa looga baahan yahay in ay dhowraan sumcadda hey’adaha dawladeed ee ay gacanta ku hayaan, ka digtoonaadaan in xisbi gaar ah loo adeegsado, ama si siman xisbiyada wararkooda loo baahiyo.

Dhanka kale waxaan soo dhowaynayaa in la galo tartan saldhiggiisu yahay “Xisbiyo”,lana samaysto summado xisbiyeed, Isla markaana waa in laga fogoodaa in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ahaaneed sida Xisbi oo kale.