Madax goboleedyada oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka kooban toddob qodob (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan maanta ay soo saareen golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ku gacan seeray islamarkaana wax aysan aqbali karin ku sheegay war-murtiyeed uu Aqalka Sare ka soo saaray xiisadda iyo khilaafka siyaasadeed ee maamulka GalMudug.

Warsaxaafadeedka ay maanta oo Arbaco ah soo saareen dowlad goboleedyada ayaa waxa ay ku sheegeen in Aqalka Sare ay hareermareen qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo, si gaar ah qodobkiisa 3.9, kaasoo shaacinaya faragelinta dowladda ku heyso dowlad Goboleedyada.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedkan ayaa waxaa ay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ugu baaqeen Aqalka Sare inay qadariyaan Mowqifka Dowlad Goboleedyada ee shirkii Kismaayo, islamarkaana aysan faro-gelin ku sameyn arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

Halkan hoose ka Aqriso War-Saxaafadeedka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada