Uhuru Kenyatta oo ka digay qorshaha mucaaradka..!!

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa ka digay in Xildhibaanada baarlamaanka garabka mucaarada ay sabab u noqdan in Kenya ay Saldhig u noqoto sharci daro.

Uhurro Kenyatta oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Madaxtooyada ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay ka shaqeynayaan in dalka uu galo xaalad adag.

Kenyatta, waxa uu tilmaamay in aysan muhiim aheyn in xiligan lagu doodo in afti loo qaado dastuurka kenya oo bilihii la soo dhaafay waxka badalkiisa ay isku uruursanayeen Xildhibaanada mucaaradka.

Kenyatta waxa uu halkaa ka sheegay in Kenya aysan xamili Karin in xiligan la faragaliyo arrimaha Dastuurka, balse waxa uu carab dhabay inay jiri doonto xili ay munaasib tahay in si wada jira looga doodo afti ama bedel lagu sameeyo qodobada Dastuurka.

“Cidna ma aqbali doonto in Kenya ay saldhig u noqoto sharci la’aan, Xildhibaanada mucaaradka waxan ka dalbaneynaa inay dib dhigtaan dalabkooda afti iyo qodobo laga saaro Dastuurka”

Madaxweyne Uhurro, waxa uu sheegay in Xildhibaanada Kenya uu uga digaayo inay kusii fogaadan qodobada xiisada u abuureysa Kenya, waxa uuna sidoo kale cadeeyay inaan loo dulqaan doonin is uruursiga Mucaaradka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mucaaradka usoo jeediyay in arrimaha Dastuurka ay kala doodan Madaxa golaha aqlabiyada barlamanka ahna mudanaha magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari kenya Mr Aden bare ducaale.

Haddalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xili 29 Sep 2018 uu Aden bare ducaale is hortaag ku sameeyay afti ay mucaaradka dalbadeen in loo qaado Dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com