Khilaafka DF Somalia iyo Galmudug oo mar kale u muuqda mid kasii daray

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weli ay socoto faragelinta madaxda DFS ay ku hayaan arrimo hoosaadka maamul goboleedka Galmudug.

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) oo u hadlaayay maamulka ayaa sheegay in DFS ay weli dhibaatooyin ku heyso maamulka.

Masagawaa mar uu shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, ayuu sheegay in madaxda dowladda ay adeegsaneyso xubnaha aqalka sare ku matala Galmudug.

Golaha aqalka sare ayuu sheegay inay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, islamarkaana ay ku milmeen faragelinta madaxda dowladda ay ku heyso Galmudug.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaa weli nagu socda faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka maamul goboleedkadka Galmudug”

“Galmudug waxa ay weli qaati ka taagan tahay faragalinta dowlada oo hadda yeelatay waji cusub, iyaga oo adeegsanaya Senatarada aqalka sare ee Soomaaliya, waxaa cad in aqalka sare ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah”

“Waxaanu qireynaa in Sanatorada Aqalka Sare ee na matala ay ku milmeen faragelinta dowladda ay nagu heyso waxa aan kula xisaabtami doonaa gudasho la’aanta matalaadooda”

Masagga-waa, ayaa sheegay in la gaaray xilligii Maamulka Galmudug uu la xisaabtami lahaa xildhibaannada aqalka sare ku matala,kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gabeen shaqadoodii.

Waxaa weli muuqata inaan xal waara laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug oo mar marka ka dambeysa waji cusub yeelanaya, waxayna arrintu ka sii dartay markii xildhibaanada ay laba u kala qeybsameen, islamarkaana xilalkii ka kala qaadeen madaxda Galmudug.

Dhinaca kale, Galmudug ayaa dowlada Somalia ugu goodisay inay kusii fogaan doonto xiisadaha kala dhexeeya, waa haddii aan faraha lagala bixin amuuraheeda gaarka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com