Bin Salman oo qaadacay dalab uga yimid DALALKA Britain iyo Mareykanka..!!

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, ayaa qaadacay qorsho lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dowlada Canada.

Bin Salman, ayaa diiday in dowladiisa ay miiska wadahadalka la fadhiisato Canada, isagoo taa bedelkeeda sheegay inay doorbidayaan calaaqada labada dal oo sii fogaata.

Waxa uu bin Salman sheegay inay adkaan doonto in dowlada Canada ay kala hadlaan arrimo ku saleysan faragalinta ay ku hayaan maxaabiis u xiran, isagoo carab dhabay in xukunka iyo sharciga dalkooda ay u madaxbanaan yihiin.

Dowladaha Britain iyo Mareykanka oo dalbaday xalinta khilaafka labada dal ayaa waxaa qaaday dalabkaasi bin Salman oo ku jawaabay in Sacuudiga uu garanayo cida uu dagaalka kala dhexeeyo iyo sida loola hadlo.

Bin Salman oo doonaya inuu sii fogeeyo khilaafka Boqortooyada iyo Canada ayaa dalbaday in Britain iyo Mareykanka ay faraha kala baxaan khilaafka labada dal.

Xiriirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Canada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii dowladda Canada ay si kulul uga hadashay xariga dad u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka oo dhawaan dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay.

Goor sii horeysay dowladda Sacuudiga ayaa go’aansatay inay xakameyso dhammaan ganacsiga iyo maalgashiga cusub ee u dhaxeeya Boqortooyada iyo Canada.

Si kastaba ha ahaatee, reer galbeedka ayaa u muuqanaya kuwo xal u waayay khilaafka labada dal, inkastoo ay jiraan isku dayo kala duwan oo aan wali miro dhalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com