Puntland oo si aad ah looga hadal hayo lacag lagu soo rogay ragga furaya xaaska

Garoowe (Caasimada Online) – Hadal heynta ugu badan dadka ku nool deegaanada Maamulka Puntland ayaa noqotay Canshuurtii lagu soo rogay Nimanka furayo xaasaskooda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo ka hadlayey Munaasabad lagu daah furay Qabyo Tirka Xeerka Cashuuraha Moorka ayaa halkaas kaga dhawaaqay in canshuur lagu soo rogay ragga furayo xaasaskooda sabab kasta uu furriinka ku imaado.

Lacagta Canshuurta ah ee laga rabo ninka naagtiisa furayo ayaa lagu sheegay inay tahay $20 Dolllar, inkastoo ay tahay lacag aan sidaas u badneyn haddana waxay noqotay mid ku cusub dadka reer Puntland.

Ninka Xaaskiisa furayo ayaa lagu amray inuu waraaqda furriinka soo raaciyo lacagtaas inkastoo aan si cad loo sheegin halka lacagtaas lagu shubayo iyo cidda maamuleyso.

Sharcigaan ayaa xafladda daahfurka looga dhawaaqay inuu hirgalay uuna ka dhaqan geli doono dhammaan deegaanada Maamulka Puntland.

Go’aanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku soo beegmay,xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sicir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jirto.

Waa maamulkii ugu horreeyey ee sharci noocaan oo kale ah hirgeliyo, waxayna dadka qaar aaminsan yihiin in sharcigaan lagu yareenayo furitaanka badan inkastoo lacagtaan ay tahay mid yar oo dad badan ay awoodaan.

Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiirka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com