Digniin caafimaad oo halis ah oo Somalia looga soo diray Chicago, USA

Chicago (Caasimada Online) Sida ay sheegeen kooxo ku takhasusay dawooyinka oo fadhigoodu yahay magaalada Chicago ee gobalka Illinois ee dalka Maraykanka , waxa laga digay dawooyinka la keeno Soomaaliya, oo qaar badan ay tayadooda lii dato, kuwa kalena ay dhaafeen waqtigooda ama iyagoo dhacsan loo soo qaado Soomaaliya.

Dawooyinkan ayaa la sheegay in si furan oo aan qarsoodi ahayn loogu iibiyo suuqyada ku yaalla Muqdisho.

Yuusuf Axmed Maalin oo madax ka ah hey’adda Somali Strategy From oo xaruntooda tahay magaalada Chicago isla markaana ku takhasusay cilmiga Kimistariga ayaa VOA –da u sheegay in uu dhawaan ka soo laabtay Muqdisho, isagoona halkaas ku soo arkay dawooyin dhacay oo suuqa si furan loogu iibinaayo.

“Waxan ku soo arkay magaalada Muqdisho in loo baahan yahay Kontorol dhanka dawooyinka maadama uu dalka lahayn meel dawooyinka lagu kontoroolo tayada dawadda, dowladda waxa looga baahan yahay in ay fiiriso dawooyinka dalka soo galayo” ayuu yiri Yuusuf Axmed Maalin.

Waxa kaloo uu sheegay in Isbitaalada dalka ay u baahan kalkaaliyaan khibrad iyo aqoon ballaaran leh, si aan dadka loo dhibaateen.

“Waxan soo arkay in dalka la soo galiyay dawooyin fara badan oo kuwa dhacay iyo kuwa aan dhicin laakin tayadooda ay u liidato, kuwaasoo si aan shaki ku jirin loogu iibinaayo suuqyada waaweyn ee Muqdisho”.

Yuusuf ayaa sheegay in ururkiisa ay dowladda Soomaaliya ka caawin karaan siddii loo xakameen lahaa dawooyinka dhacay ama aan tayo fiican lahayn in dalka la soo galiyo.

“Dowladda waxaan ka caawin karnaa in la baaro tayada dawooyinka dalka soo galayo, oo mid loo jeegareeyo” ayuu yiri markale.

Si kastaba, Soomaaliya oo dagaalo ku jirtay in ka badan 21-sano, isla markaana ay wax kasta burbureen waxa dalka si sharci daro ah loo soo galiyaa dawooyin , raashin iyo qalab dhammaantood dhacay, kuwaasoo lagu iibiyo suuqyada dalka, mana jirto hey’addo waxaas la socda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi