26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Jubbaland oo dil toogasho ku fulisay askari dilay nabadoon caan ahaa

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland aya maanta xukun dil ah ku fulisay Alle ha u naxariistee C/risaaq Cumar C/llaahi oo ka tirsanaa Ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland kadib markii la sheegay inuu hore u dilay Nabadoon caan ka ahaa kismaayo.

Marxuumka ayey maxkamadu sheegtay in 27kii bishii dhamaatay uu dilay Nabadoon Xasan Goolo oo markaas uu doonayay inuu dib ugu soo celiyo xerada 11 askari oo gadood sameysay.

Askariga maanta la dilay ayaa ka mid ahaa 11 Askari oo gadooday kadib markii ay waayeen mushaarkoodii, waxaana markaasi ku soo baxay Marxuum Nabadoon Xasan Goolo oo markaas la sheegay in lagu toogtay meel banaanka ka ah xeradii Ciidamada, waxaana toogashadiisa la sheegay inuu ka dambeeyay C/risaaq Cumar C/llaahi oo isagana maanta xukunka lagu fuliyay.

Ciidamadii kale ee sameeyay gadoodka ayaa sidoo kale lagu xukumay xukuno gaaraya min 15 sano, Jubaland ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin dilalka iyo wax ay ugu yeereyn fowdo..

- Advertisement -

Read more

Local News