Safaaradda Somalia ee Talyaaniga oo ka warbixisay wiil Soomaali ah oo isku dilay xabsi ku yaalla dalkaas

Roma (Caasimada Online) Safaaradda Soomaalida ee dalka Talyaaniga ayaa ka warbixisay wiil Soomaali ah oo isku dilay xabsi ku yaalla magaalada Lecce ee dalkaas.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Roma Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo la hadlaayay VOA –da ayaa sheegay in galabta safaradooda uu soo gaaray wiil Soomaali ah isku dilay xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga, gaar ahaan xaafadda Lecce.

“Arrintaas warkeeda waxa ay na soo gaartay galabta , waxana ay ahayd xabsiga Lej ee ku yaalla Talyaaniga, halkaasoo wiil Soomaali ah uu Axadii toddobaadkan oo ahayd 6-dii bishan uu isku dilay, waxa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi oo dhashay 1-dii bishii February 1974-tii ayuu Soomaaliya ku dhashay.”

Waxa kaloo danjire Nuur Cadde uu intaas ku daray in saraakiisha maxaabiista ay u sheegeen in wiilka ay u socotay xabsi kaasoo uu dhammeen san lahaa bisha 4-aad ee sannadkan aan ku jiro.

Waxa kaloo uu sheegay in wiilka loo tagay isagoo meel ku tiirsan, markii la arkayna la soo qaaday, oo dhulka la dhigay si loo fiiriyo, markiiba waxaa la ogaaday in uu dhintay.

Dajiraha Nuur Cadde mar la weydiiyay in la soo gaarsiiyay safaaradda sida uu isku dilay iyo sababta keentay?

Wuxuu sheegay inta uu sheegay kaliye la soo gaarsiiyay safaaradda, laakin weli uu baaritaan socdo, kaasoo lagu oggaanaayo wax yaabaha sababay in uu isdilo wiilkan.

Waxa kaloo uu sheegay in safaaradda ay ka codsadeen in marka uu soo dhammaado baaritaanka ay soo sheegi doonaan oo ay xiriir la sameen doonaan cid ku dhow wiilka ama ehel yihiin.

Isagoo intaas ku daray in safaaradda la soo gaarsiiyay warqada ay ku qorantahay geerida.

Danjire Nuur Cadde ayaa sidoo kale sheegay in markii la maqlay warkan in safaaradda ay la soo xirireen dad badan oo Soomaali ah, kuwaasoo raba in ay oggaadaan waxa ka jira warkan, laakin aysan arkin illaa hadda dad yaqaana wiilka is dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma