Ujeedada wafdiga Galmudug ay u yimaadeen Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ,waxaana wafdiga qeyb ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo usoo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

C/samad Nuur Guuleed,madxaweyne ku xigeenka Galmudug oo markii ay kasoo dageen garoonka Muqdisho ka dib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ujeedada ay usoo gaareen magaalada Muqdisho uu ahaa kulamo la filayo inay la qaataan madaxda dalka.

Mr Guuleed, ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inay madaxda dalka kala hadli doonaan hishiis dhawaan ay la galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu sunna ee gobolka Dhexe,kaasi oo dhigayay mideynta maamulo dhowr ah.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegay in wafdigaani ay kulamo la qaadan doonaan wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweynaha dalka oo ay ka wada hadli doonaan arimo dhowr ah.