Sawirro: Jewiga Baydhabo oo maanta aad u duwanaa maalmihii la soo dhaafay

Baydhbao (Caasimada Online) – Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa maanta wax badan ka duwaneyd saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo magaalada ay hareereeyeen rabshado ka dhashay xarigii maalintii Khamiista ay Dowladda Federaalka Somaliya kula kacday Murashax Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii xoog ku furay wadooyinka Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay xireen taageere-yaasha Mukhtaar Roobow Cali.

Ciidamada ayaa maanta waxaa lagu arkayey wadooyinka magaalada, oo ay ka socdaan olole wadooyinka looga nadiifinayo taayeero ay bannaanbaxayaasha ku gubeen.

Sidoo kale ganacsigii magaalada ayaa mid caadi ah ku soo laabtay, iyadoo ay maanta wada furnaayeen dhammaanba goobaha ganacsi ee Baydhabo ku yaala.

Waxaa sidoo kale maanta dib loo furay goobaha waxbarasho ee magaalada.

Dhanka kale waxaa maanta Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo ka bilowday khudbadaha ay murashaxiinta u jeedinayan Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Illaa saddex murashax ayaa maanta hortagey Xildhibaanada Koonfur Galbeed, maalinta berritana waxaa lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan murashaxiinta kale. Jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed waxaa u tartameysa illaa lix murashax. Abuu Mansuur oo murashaxiinta ka mid ah ayaa Khamiistii lagu xiray Magaalada Muqdisho, markii laga qabtay Madaxtooyada Baydhabo.