Sawiro: Mursal, Muudey iyo Mahad Cawad oo saddex qodob ku heshiiyey (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib khilaaf soo jiitamayey tan iyo 8-deeddii bishan waxaa maanta Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal iyo ku-xigeennadiisa 1aad iyo 2aad. Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Xogta ay Caasimada Online heshay, ayaa sheegeysa in inta badan la isku afgartay qodobbadii laga wada hadlay oo ay ugu muhiimsaneyd wadashaqeynta iyo in golaha uu shaqadiisa dib u bilaabo.

Qodobbada la isku afgartay waxaa ka mid ahaa in baarlaamka isku duubnidiisa la ilaaliyo, oo looga dambeeyo guddoomiye Mursal wixii maamul iyo mas’uuliyaddiisa ah, waxaa kale oo lagu heshiiyey in ka guddoon ahaan is cafiyaan, iskana iloobaan is maandhaafka, oo weliba ay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabato shaqadii golaha shacabka.

Arrintii guddiga maaliyadda ee jiritaankooda muranka ka taagnaa, waxaa la isla qaatay go’aankii guddoomiye Maxamed Mursal ee ahaa iney  guddiga shaqadooda sii-wataan.

Ugu dambeyntii, arrinka mooshinka madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegayaa in guddoomiyaha uu dib ugu dhigay iney iska arkaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo, xalkana uu noqon-doono wixii wada hadalkaasi ka soo baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com