Mursal waxa uu noqday ninkii aan moodnay inuu ahaa

Toddobada bilood ka hor markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari lagu qasbay inuu is-casilo, laguna beddelay Maxamed Mursal, waxaan moodnay in baarlamanka uu u gacan galay xukuumadda.

Waxaan moodnay inaysan jiri doonin hay’ad la xisaabtanta xukuumadda, oo labada hay’adood ee sharci-dejinta iyo sharci-fulinta laga maamuli doono hal xafiis.

Waxaan moodnay in baarlamanka uu hoggaanka u qabtay guddoomiye aan maskax ahaan madax banaaneeyn oo ah magac u yaal lagu adeegto, wixii dan ahna lagu fushado.

Waxaan moodnay in Maxamed Mursal yahay nin aan marnaba qaadan karin go’aan ka dhan ah xukuumadda, islamarkaana mar walba uu ku shaqeyn doono rabitaankeeda.

Annaga oo sidaas moodnay ayaa waxaa guddiga maaliyadda ee baarlamanka kala diray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka, oo isna ah qof aan maskax ahaan madax baaneyn, kadib markii guddiga ay soo saareen warbixin banaanka keentay musuq maasuqa xukuumadda.

Kadib, Mursal oo safar uu ku maqnaa kasoo laabtay, ayaa ku dhiiraday inuu guddiga dib usoo celiyo, maalmo kadibna aqbalay mooshin ka dhan ahaa madaxweyne Farmaajo.

Mar qura ayaan moodnay inaan qaldannay oo Mursal usan ahayn ninkii aan moodnay inuu yahay. Waxaa na gashay rajo ah inuu xoriyaddiisa maskaxeed dib usoo helay, ciddii doontaba ha usoo celisee.

Waxaan moodnay in mar kale dalka uu helay hay’ado kala duwan oo isla shaqeeya balse isla xisaabtama, islamarkaana ilaaliya nidaamka dowladeed ee saxda ah.

Dhammaan shacabkii ayaa Mursal u sacabo tumay, xildhibaannada mucaaradka ayaa u riyaaqay, wuxuu noqday geesi awooda in wixii qalad ah uu diido, oo uu ka shaqeeya danta dalka.

Nasiib darro farxaddaas ma raagin, waxayna kusoo idlaatay oo kaliya laba toddobaad.

Mursal wuxuu dib dhiibay xoriyaddiisa maskaxeed. Wuxuu gatay sumcaddiisa, isaga mar kale ku laabtay marxaladdii uu kasoo baxsaday.

Ka laabashadii mooshinka madaxweynaha, oo aan aniga ku taageeray inuu ku saxnaa, maadaama uu ahaa mooshin sharci darro ah, waxaa xigay go’aan aan la qaadan karin oo xalay kasoo baxay.

Wuxuu mar kale u hoggaansamay rabitaankii xukuumadda, wuxuuna guddigii maaliyadda ee uu horey usoo celiyey ka saaray xubnhii xukuumadda u aragtay inay la xisaabtami karaan, isaga oo ku beddelay xubno wada taageersan xukuumadda, oo sidiisa oo kale aan madax banaaneyn.

Waxa uu madax banaanidiisii qofeed iyo tii baarlamanka hoos geeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha. Wuxuuna hay’addii sharci-dejinta dalka ka dhigay qeyb ka mid ah hay’adda fulinta.

Dhammaan wixii aan moodnay inaan ku qaldeneyn inaan aaminno ayuu Mursal noqday. Mursal waxa uu noqday ninkii aan moodnay inuu yahay.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid