Muqdisho (Caasimdada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo soo xirayey Kalfadhiggii Afaraad ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay xallin doonaan khilaafka ka dhaxeeya Labada aqal ee baarlamaanka.
Dhowaan ayaa aqalka sare waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray aqalka hoose, oo uu ku eedeeyey inuu isku koobay awooddii sharci dejinta dalka, islamarkaana awoodihii dastuuriga ahaa ee aqalka sare uu la wareegay.
Waxa uu madaxweynaha sheegay in dib u heshiisiinta Labada aqal ay ugu horreyn doonto waxyaabaha ay qabanayaan sanadkaan, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay is faham iyo wadashaqeyn.
Khilaafkan ayuu sheegay inuu kasoo bilowday kadib furitaankii Kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka oo la isku khilaafay in meel lagu wada furo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafkan.
Halkaan hoose ka dhageyso
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

