29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

XOG ku saabsan kullankii DF iyo siyaasiyiinta Kenya ee Axmed Madoobe looga hadlay (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Muqdisho si qarsoodi ah u yimid wafti siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ah oo dowladda Soomaaliya kala hadlay sidii ay ula heshiin lahayd Axmed Madoobe.

Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in kulankaas uu qeyb ka ahaa qorshe socda oo ku aaddan sidii waqti kale loogu dari lahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ku sugan Kenya islamarkaana aad ugu dhow Axmed Madoobe ay magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha ay siyaasiyiinta kala hadleen madaxda dowladda ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan doorashada Jubbaland in loo madax banneeyo Axmed Madoobe, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Doorashooyinka Jubbaland ayaa haatan waxaa ka harsan 8 Bil oo kaliya, waxaana jira tuhun ay qabaan siyaasiyiinta qaar ee kasoo jeedda maamulkaasi, kuna aaddan in mar kale uu soo laabto madaxweyne Axmed Madoobe.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Caddow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News