26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Axmed Madoobe oo laba sabab dartood uga baaqday calemeo-saarkii Cabdi Casiis Lafta-gareen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka maqnaa musaanadda Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed.

Warar Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in labo arrin ay sabab u tahay in Axmed Madoobe uu ka maqnaado caleemo saarka Lafta Gareen, waxaana arrinta koowaad ay tahay isaga oo sheegay in howlgalo iyo safaro uu ku tagayo Jubbooyinka uu ku mashquulsan yahay.

Arrinta labaad ayaa ah in Axmed Madoobe uu diiday safarka Baydhabo, maadaama madaxweynaha Soomaaliya oo aysan wali heshiin uu ka qeyb galayay munaasabada ka dhacday magaalada Baydhabo.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu gogol dib u heshiisiineed uu u fidiyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaana aqbalay dalabka madaxweynaha Saciid Deni, waxaana qorshaha uu ahaa inay ku kulmaan munaasabadda Caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in munaasabadaasi u dirto wasiirka arrimaha gudaha ama arrimaha dibadda, taasi oo ka careysiisay Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya haddii uu ka qeyb galo munaasabadaasi ayaa waxaa la filayaa inay magaalada Garowe isku arkaan Axmed Madoobe, si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News