25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Yaa doorashadii Baydhaba ku soo baxay maanta?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa ka dhacday doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif Sheikh Cabdullaahi.

Doorashada oo lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana kusoo baxay xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Maxamed.

Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidan:

Cabdulaahi Sheikh Maxamed 34 cod

Isxaaq Khaliif Sheikh 4 cod

C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur 2 cod

Xasan Macalin Ibraahom 0 cod

Ugu dambeyn guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu noqday xildhibaanka kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Caasimada online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News