Museveni oo u gafay DF iyo Soomaalida kadib hadal yaab leh oo kasoo baxay

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa mar kale u gafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa.

Mr Museveni oo maanta furyay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa ayaa tusaale u soo qaatay sida ay dowlad ku shaqeyn karto.

Waxaa uu dal ku sharraxay dad isu tagay oo isku meel ka soo jeeda,halka dowladdu tahay midda fulisa awoodda iyo xeerka.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha dalka, fulinna karta sharciga, waxaa uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo aan lahayn dowlad, waxaa uu tusaale u soo qaatay Soomaaliya.

Waxa uu yiri “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad, tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego”

Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya.

Xaqiiqda ah inuu magacaabay Soomaaliya, balse yiri inaysan diblomaasiyadda u ogolaaneyn inuu dalalka kale sheego, ayaa caddeyn u ah sida uu u yasayo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
caasimada@live.com