DEG DEG: Taliye booliis iyo dad lagu dilay weerar ka dhacay Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa waxaa u sheegayaa in kooxo hubeysan ay goordhow seddax qof oo uu ku jiro taliye boolis ah lagu dilay magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dadka deeganka ayaa sheegay in kooxo ku hubeysan bastoolado ay dileen taliyihiin ciidamada ammaanka magaalada Gaarisa iyo seddax qof oo kale, halka dhowr kalena ay dhaawaceen.

Xaalladda magaalada Gaarisa ayaa caawa kacsan, waxana goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo howgalo ballaaran ka wadda.

Waxa la sheegayaa in kooxihii dilka geestay ay baxsadeen lamana ogga halka ay qabteen sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma jirto illaa hadda koox sheegatay dilalka caawa ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobalka Bari.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gaarisa tan iyo sannadkii 2011-ka markaas oo dowladda Kenya ay ciidan u soo dirtay Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online