Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la dhaawacay mid kamid ah dhaqaatiirka Isbitaalka Ergodan Ex Digfeer oo ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqtarka uu yimid kadib markii askar ka tirsan ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen gaari uu la socday xili ay doonayeen inay ku furtaan wadada agagaarka Hotel Amiira oo la sheegay inay aad mashquul u aheyd.
Dhaqtarka oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Xaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Digfeer), isla markaana qaabilsan dhinaca caruurta ayaa lagu dhaawacay agagaarka maqaayada Beder ee degmada Hodon.
Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer ee uu ka howlgalyay weli wax faah faahin ah kama bixin dhaawaca Dhaqtar ka howlgalayay Isbitaalka.

