27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawiro: Ciidan Ethiopian ah oo isaga baxay Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasibad billado lagu guddoonsiinayay Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Ciidamadan ayaa ka socday dalka Itoobiya, waxaana la sheegay inay dhameysteen shaqo howleedkoodii howlgalka AMISOM oo ahayd muddo hal sano. Ilaa hadda lama shaacin ciidamada lagu beddelay cidiankan baxay iyo in la beddelay iyo in kale..

Munaasibadda ciidamada Itoobiya billadaha lagu guddoonsiinayay waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jubaland, Taliyaha AMISOM, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee ka baxay magaalada Kismaayo ayaa lagu amaanay howlgudashadooda lagu sheegay in ay si geesinimo leh uga soo baxeen

Ciidamada Itoobiya ee ka howgala Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay horey u beddeleen Ciidamo ka socday Dalka Sierra Leone, oo Soomaaliya isaga baxay labo sano ka hor.

- Advertisement -

Read more

Local News