24.8 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Villa Somalia oo jawaab ka bixisay warkii kasoo baxay IMF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab soo dhoweyn ah ka bixisay warbixintii kasoo baxday hay’adda hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka.

Warbixinta IMF ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yiri “Dowladdan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo waxay ballan-qaaday inay is-beddel wanaagsan ku sameyso dhaqaalaha Soomaaliya. Maanta IMF waxay xaqiijiysay in dadaalladeena ay hogaamiyeen kobac la saadaalinayo inuu yahay 3.5% oo dhaqaalaha dalka uu sameynayo”

IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan.

Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News