27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed xoogan oo dib uga bilowday Cadale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaano hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal beeleed xoogan uu ka bilowday deegano dhowr ah oo degmada Hoostaga.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed wada dega degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo marar badan ku dagaalamay deegaanada gobolka Shabeelaha DHexe.

Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla,waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu markale dagaalka ku bilaawday.

Labada maleeshiyaad ee ku dagaalamaya degmada Cadale ayaa la sheegay in horey shirar dib u heshiisiineed loogu qabtay magaalada Jowhar iyo degmada  Cadale, waxaana horey ay u gaareen heshiisyo hordhac ah.

Dagaalka Xoogiisa ayaa ka dhacaya deegaanka Burdheere oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana jirin cid kala dhex gashay dhinacyada dagaalamaya.

Ciidamada Melatariga hore loo kala dhex dhigay ayaa isaga baxay deegaanada lagu dagaalamayo, lamana oga sababta ka dambeysa inay isaga soo baxaan deegaanka Burdheere.

Xildhibaao ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalka ka dhacayo deegaanada Hoostaga degmada Cadale.

Caasimada Online
Xafiisa Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News