28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Abiy oo war cusub ka soo saaray wada-hadallada Somalia iyo Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ka dhawaajiyey in xukuumadiisu ay bilowday inay ka shaqeyso sidii is-fahan looga dhex abuuri lahaa dowlada Somaliya iyo Somaliland.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay inuu daba socday arrinkani, codsi ka yimid odayaasha gobolka, kuwaasi oo ka dalbaday inay door ka qaatan sidii loo soo af-jari lahaa khilaafka Somaliya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa waxa kale oo uu sheegay in nabad kuwada noolashaha Soaomaaliya iyo Somaliland ay muhiim u tahay gobolka, isagoo xukuumadiisana ku bogaadiyey dadaalada nabadgalyo ee ay ka wado gobolka Geeska Afrika.

Bishii hore ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna kula kulmay Abiy Ahmed oo ay ka wada-hadleen wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News