27.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Ciidamada A/Madoobe oo kala eryey taageerayaasha musharax la loolamaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ayaa  maanta kala eryay dadweyne soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Cabdi Fitax Maxamed Cali.

Ciidamo badan ayaa lagu daayay wadoooyinka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose kadib markii uu magaalada gaaray Musharax Madaxweyne ee doorashada Jubbaland sanadkaan 2019.

Ciidamada ayaa waxaa ay ka hortagayaan tobaneeyo dadweyn ah oo maanta magaalada Kismaayo ku soo dhaweyn lahaa Musharax Madaxweynaha Jubbaland Xildhibanaan Cabdifitax Maxamed Cali oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay u diideen dadka isku soo diyaariyay soo dhaweynta musharax Cabdifatax, iyadoona warbaahinta loo diiday in ay tabiso wararka ku aadan musharaxa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee doorashada sanadkaan 2019.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Maalmihii dambe ay ka socdeen magaalada Kismaayo qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Musharax Cabdi Fatax.

Dhawaan ayay aheyd markii Saraakiisha Amniga Maamulka Jubbaland ay  sheegeen inaan la ogoleen musharax hub la soo gali kara Magaalada Kismaayo, iyadoona ay shaaca ka qaaday in amnigiisa ay la wareegi doonaan Ciidamada amaanka ee Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News