Xog xasaasi ah: BANKIGA DHEXE oo bashiishtay.!!

Markii ay dhammaatay kunturaaddii guddoomiyaha hadda xilka ka tagaya iyo ku xigeenkiisa (Mudane Bashiir iyo Marwo Maryan), ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliay, waxay ahayd in la magacaabo guddoomiye cusub iyo ku xigeen bilihii hore ee sannadkii 2018. Waxaa la filayey in magacaabistaasi noqoto mid ku dhisan habka awoodda qaybsiga beelaha waayo waxaa jira shan kursi ee loo yaqaan kaabayaasha qaranka. Sida xeer ilaaliya, garyaqaanka guud, hantidhowrka guud, maxkamadda sare iyo baanka dhexe. Kuwaasi waa kuraas xasaasi ah ee loo fiirsho qaabka awood qaybsiga, waxayna ahyad in laga ilaaliyo beel mise labo ay wada qataan sida hadda dhacday. Waxay ahayd inay dhacdo magacaabis isyaasadeed, dabacan ayadoo aqoonta iyo khibradda aan laga gudbi karin.

Intii habkaas la mari lahaa, waxaa dawladdan cusub ee Farmaajo iyo Kheyre madaxda ka yihiin ay tiri waa loo tartamayaa  waxaana la raadin qofku ugu fiican aydoo laga cararayo musuq. Waxaa labada bishii sideedaad 2018 la soo xayeesiiyey shaqada guddoomiyaha Baanka Dhexe ayagoo lacag badan la siiyey joornaalka qaaliga ah ee The Economist ($26000). Waxaa la yaab yare noqotay inaan la oran Somaali kali ah ayaa soo dalban karta, sida sharciga baanku qabo. Ma xuma ayaa loo qaatay bal inaan dadkeenna tartan galinno markii malaha abid ugu horreysay boos siyaaso lagu magacaabi jiray ilaa lixdankii.

Waxaa gadaal ka soo baxda in dhowr meel uu Mudane Kheyre ka yiri waxaan ku fikiraynaa in Baanka Dhexe loo dhiib qof caddaan ah. Shir uu Washington uga qaybgalay ee uu saas ka yiri waxaa fadhiyey Robert Nigels oo gadaal laga ogaaday inuu yahay qof uu hoostga ku wato Khayre. Sidoo kale isla bartamihii sannadkii la soo dhaafay wuxuu Kheyre weydiiyey golahiisa wasiirrada in uu socdo fikir ah inuu shaqadaa uu dhiibo nin ajnabi ah, ayadoo la rabo in lagu qanciyo adduunka inaan leennahay daah furnaan si daynta nalooga cafiyo maalgashina aan u helno. Waxay ahayd wax lala yaabo waayo intaas oo dhammi ma aha kuwo ku xiran in qof ajnabi ama caddaan ah loo dhiibo xilka Guddoomiyaha.  Runtii in badan beesha caalamka waa la yaabtay in maanta uu guddoomiye baan uu Xamar ka noqdo ajnabi.

Oktober 2018 ayay soo baxday waraaqihii 146 Somali u badan in loo dhiibay gabar caddaan ah ee la yiraahdo Viona si ay u soo samayso liis dheer (long list). Viona waxay ka mid ahyad guddiga hannaanka daahfurnaanta maaliyadda (Financial Governance Committtee) ee dawladda kala shaqaysa daafurnaanta qandraasyada waaweyn. Liiska Viona waxaa ku jira saxiibkeed ee ay guddiga ku wada jiraan Mr. Roberts. Iyo nus darsin kale ee ajaaniib ah.

Intii muddo ah waxaa jiray aamusnaan yaa kala saaraya dadka soo dalbaday shaqadaan. Wuxuu Kheyre meelo badan ka yiri, dad xirfadlaaal ah ee u badan guddiga  Dhaqaalah Qaranka (National Economic Commission-NEC), IMF, World Baanka, iyo wasiirka maaliyadda ayaan u xuli doonaa. Sideed qof ee afar NEC tahay ayaa shaqadaa qaban ayuu ku yiri mar uu la hadlayayey guddiga ganacsatada gobolka Banaadir. Ugu dambayn wuxuu cayimay shan qof oo saddex tahay gacanta midig ee Kheyre: Wasiir Bayle oo ah nin wax kasta ee uu Kheyre ku tiraabo ku dhaqaaqa, Wasiir Canshuurka boostada oo asna ah ragga aan ka kicin barsadda PM-ka, kalana yimid Noorway, iyo Cabdiraxmaan Maxamad oo ah la taliyaha PMka ee dhan dhaqaalaha. (waan ninka loo macaabi doona guddomiyaha), asna reer Norway. Waxaa dawladda ka baxsanaa Dr. Cali Ciise Cabdi oo madax ka ah NEC iyo xubin NEC oo Kenyan ah Dr. Edward Sambuli oo hore ku xigeen uga soo ahaa Baanka Dhexe ee Kenya.

Nofeember 2018 ayaa waxaa habka skype ka laga qaaday imitixaan waraysi ah (Interview) 16 ka mid ah 146kii soo dalbatay shaqada. Muddo ka dib, waxaa guddigaasi soo saareen in 7 qof soo gashay liiska gaaban (Short List). Saddex Ajnabi ah ee Roberts ka mid ayay, gabar masiryad ah iyo nin Faransiis ah. Somaalida waxaa ka soo baxday afar, Abdiweli Garjeex, dhaqaale yahan, wasiir maaliyad hore, Xuseen Khalif, dhaqaale yahan,sarkaal sare ee hore Baanka Horumarinta Islaamka, Cabdiqafaar Shiikh Aden Abdullaahi (Khabiir dhaqaale meelo badan ka soo shaqeeyey hadda fadhiya hay’adda IMF, Abdirisaaq Xasan Cumar oo asna khabiir dhaqaale,haddana la taliye uu ah Guddoomiyaha, kana  soo shaqeeyey USA.

Dhammaadkii Janawari, Guddigii markuu fariistay Hotel Peace,Xamar,  ayaa markiiba waxaa soo baxday wixii laga shakisana oo ahayd in saddexda nin ee dawaldda dhankeeda ah ay leeyihiin qorshe gaar ah. Waxay markiiba wada siiyeen 100% Nigel Roberts oo sida muuqata amar lagu siiyey inay soo saaraan. Intaas maahee waxay yiraahdeen waa inaan hal qof kaliya gudbinaa. Arrinkaas waxaa ka diiday labadii xubnood oo kale oo yiri, maya waa inaan ama saddex ama afar qof gudbinaa, waayo waa qaabka uu ahaa shaqada loo soo diray oo ahayd inay soo gudbiyaan liis kooban ee madaxda qaranku ka doortaan qofka ugu habboon, ma ahayn  shaqada guddigu inay magacaabaan guuddoomiye Bangiga Dhexe. Arrinkaas waa lagu kala tagay, labadii oday waa iska dhoofeen. Markaas ayaa Beyle wuxuu gudbiyey kaligii asagoo isticmaaalaya guddoomiyaha guddiga afar magac oo sidan u qoran: Rigel Roberts, Xuseen Khalif Jamac, Abdiqafaar Sheikh Adan, iyo Abdirisaaq Xasan (ma hubo isku xigga labada magac ee dambe).

Waxaa fadhiga guddiga ka horreysay in Kheyre goostay inuu beddelo faqradda diidaysa in ajnabi madax ka noqdo Bangiga Dhexe sharcigiisa oo ah mid baarlamaani ah. Markaas buu geeyey golaha wasiirrada inay beddelaan waana yeeleen. Aydoo qaar ay u muuqatay inay khalad tahay haddana cidu kama hor imaan.Ka dib ayaa Golaha Barlamaanka la geeyey ayagoo ansixiyey buuq badan iyo qaylo ka dib. Sir ma ahayn in dawladda xoog saartay arrintaas oo xitaa  dhaqaale ku baxay.Lamase yaqaan sababta waxaas oo dhan Khayre uu yeelayo oo sharcigii, sharaftii qaranka iyo magacii baarlamaankana dhulka u galiyey,iskadaa kalsooniida  Soomaalida ay ku qabtay hannaanka maamulka qaranka, oo loo haystay inuu soo kabanayo. Waxaa iska cad in madaxda qaranku garan weyday inay qayri sharci ahayd inuu tartamo qof aan u qalmin shaqada baanka (ineligible), malaha waydayna cid kala taliso mugdi ku socodka.

Waxaa muddo bil laga joogo soo ifbaxday in Farmaajo diiday Nigel Roberts, waxaase arrinka joogay ayaa la qaadan doonaa magacyada liiska ku soo baxay oo markaas saddex isugu soo aruuray. Waxaa soo baxday in Kheyre ku hanjabay mar kale ayaan ku celinayaa tartanka haddii Roberts la ii diiday. Taasina ma dhicin ee wuxuu jeebka kala soo baxay saxiibkiis Cabdiraxmaan Maxamad Cabdullahii oo xafiiskiisa ka tirsanaa, guddigana ka mid ahaa, ayna yihii xidid – dhanka minyarada Kheyre., ganacsi ku wada lahayeen Norway. Kherye wuxu golihiisa wasiirrada ku yiri, waxaa la waayey qof u qalma jagada ayada ah. Ma oran karo PM ka been buu sheegay, waxaanse u dayn in Soomaali xukunto hadalkaas markay isu barbardhigaan ragga kor aan ku soo sheegay iyo Cabdiraxmaan oon weligii bangi  ka soo shaqayn, hore dawladdii  Soomaliya ka ahaa garraani wasaaradda Maaliyadda, tareen wade ka ahaa Norway(asaga iyo Kheyre, wakiil Dahabshiil. Wuxuu dhawaan qaatay shahaadada Masterka dalka UK. Ragga laga tagay Xuseen Khalif laba master, Cabdirisaaq iyo Cabdiqafaar waa Phd holders. Kulli waxay leeyihiin khibrad banuug caalami ah iyo mid arrimaha maaliyadda oo qaar dhowr iyo  labaatan sano tahay.

Maxaa sharcigii dalka iyo sharaftii loo baal maray, hore gaalka loogu watay? Maxaa caddaladdii iyo awood qaybsigii qaranka loo tuuray? Su’aalhaas waa kuwa keenay afkii baa juuqda gabay, waxayna u taal inay Somaali wax ka barato qaabka PM  Kheyre ee ku dhisan Kartida, Hufnaanta iyo isla xisaabtanka. Habar hebeleey Muuse waa kaa, waxay ahayd arrin dibedda keentay marnaanta hogaamiye loo hanweynaa. Ceebta dhacday ma leh Kheyre ee waxaa qayb ka  ah Farmaajo oo ay saaran tahay masuuliyadda qoridda Guddoomiyaha Baanka Dhexe.

*Waa marka hashii ilmaha laga sugayey ay meyd dhasho

W/Q:RASHEED HASHI