Beesha caalamka oo ‘wada shaqeynta iyo taageerada ka joojineysa Somaliland’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dhowaan yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa Wafdi sare oo ka socday dalalka taageera Somaliland ee Midowga Yurub, kuwaasi oo sidey fariimo culus iyo digniino ku aadan inay joojin doonaan taageeradooda iyo wada-shaqeyntooda ku aadan Somaliland.
Midowga Yurub ayaa si adag uga soo horjeeda doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay, kuwaasi oo marar badan wakhtigoogi la muddo dhaafiyey.
Fariimihii cuslaa iyo digniinihii Midowga Yurub ayaa waxa ka dhashay Kulamo deg deg ah oo ay wada-qaaten saddexda xisbiga Qaran ee Somaliland.
Kulamadan ay wada yeeshen xisbiyadu ayaa ilaa hadda waxa ka soo baxaya hadalo is khilaafsan, kuwaasi oo xisbiga WADDANI sheegay inay kulamadaasi kusoo dhamaaden fashil, halka xisbiga UCID uu isagna geestiisa ka sheegay inay meel fiican marayaan kulamadaasi.
Dhinaca kale, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka dhawaajiyey in beesha Caalamku ay wada-shaqeyntooda iyo taageeradooda ka goosanayaan Somaliland, haddii doorashooyinku ku qabsoomin wakhtigooga.
“Gaaladii waxay na yidhaahdeen, Waxan anagu bilaa sharciga ah inta ay fadhiyaan haddii aad doorasho qaban waydaan lacagna idin siin mayno dibna idiinla shaqayn mayno, waa laga yaq-yaqsoonaya markaas ayay iyaguna (Baarlamaanka & Goleyaasha-degaanku) leeyihiin nalama kala eryi karo, waddankani wuxuu u baahan yahay hoggaamin” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Si kastaba, Wafdigan Midowga Yurub ee dhowaan yimid Hargeysa ayaa waxay War-murtiyeed kasoo saareen socdaalkoodii, iyagoo ku sheegay inuu Wafdigu uu walaaca weyn ka qabo in aan wax horumar ah laga samayn u diyaar garowga doorashada oo ay ugu wacan tahay khilaafka saddexda xisbi iyo in aan la meel marin sharciyada doorashooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa