25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

DF oo cadaadis caalami ah kala kulmeysa go’aankii lagu eryey Cabdullaahi Dool

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa cadaadis diblomaasiyeed oo caalami ah kala kulmeysay go’aankii ay shaqada uga cayrisay Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa xafiiska wasiirka arrimaha dibedda, kadib markii uu taageeray in Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israel.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in go’aankan uu horseeday cawaaqib siyaasadeed culus oo dowladda ay taageero badan ku weyn karto.

Xubnaha xogtan la wadaagay Caasimada Online, ayaa sheegay in dalal ay ka mid yihiin Finland, France Germany, UK iyo Mareykanka ay Villa Somalia kala hadleen arirntan, una sheegeen inay qalad tahay in qof ay fikirkiisa ku ciqaabaan.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka, oo ah dowladda ugu weyn caalamka ee taageerta Yahuudda, ay si gaar ah aad uga carrootay tallaabada dowladda Soomaaliya.

Xiisadda arrintan oo markii hore u muuqatay mid gudaha Soomaaliya ku kooban ayaa caalami noqotay kadib markii ay si gaar ah sare ugu qaadeen warbaahinta Israel, oo uu ka mid yahay wargeyska Times of Israel, iyo tan Mareykanka.

Wargeyska Washington Examiner ee Mareykanka, oo ah wargeys u janjeera dhanka midigta fog ee xisbiga Jamhuuriga, ayaa faallo uu daabacay kaga dalbaday wasaaradda arrimnaha dibedda Mareykanka in kulanka dhex-maraya ra’iisul wasaare Kheyre oo Washington ku sugan iyo mas’uuliyiinta Mareykanka, arrintan wax looga weydiiyo Kheyre inuu sharaxaad ka bixiyo.

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay suurta-gal tahay in Mareykanka baajiyaan kulan la qorsheeyey inuu dhex-maro Kheyre iyo la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton, taa beddelkeeda Kheyre loo soo diro mas’uuliyiin ka darajo hooseeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News