30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Warbaahinta Soomaaliya oo halis ugu jirto dowlada Soomaaliya (Qorshe socda)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata in Booliiska Soomaaliya, Xafiisyada Madaxtooyada iyo Raysal Wasaarahaba ay weerar ku yihiin Warbaahinta Soomaaliya, waxaana isa sii taraya caburinta iyo go’doonka la sii gelinayo.

Hore ayaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha looga joojiyay Warbaahinta waxaana hada lagu soo daray Booliiska Soomaaliya iyo in laga joojiyo goobaha ay ka dhacaan waxayna arintaasi abuurtay go’doon ay galeen Wariyaasha iyo Warbaahinta.

Hada waxaa socda qorshe kale oo Warbaahinta looga mamnuucayo Xarunta Fadhiyada baarlamaanka ee Golaha Shacabka waxaana la sheegay in uu ahaa amar ka soo baxay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo sameen doonaa Xafiiska wax soo saarka Warbaahinta sida kuwa ka shaqeeya Madaxtooyada iyo guriga Raysal Wasaaraha waxayna arintaasi ay dhabar jab ku tahay Warbaahinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ah.

Arintaan ayaa u muuqata in albaabada wararka laga sii xirayo Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho hadii ay dhacdo in laga mamnuuc Xarunta Golaha Shacabka waxay noqoneysaa xaruntii 4aad oo laga joojiyo 2 sano gudaheed.

Dhinaca kale Madaxda Warbaahinta Soomaaliya ayaa ka jiifa ama aan dhag jalaq usiinin ilaa hada waxyaabaha socda ee caburinta iyo go’doominta Warbaahinta mana muuqdo ilaa hada wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay wadaaan madaxda Warbaahinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News