25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Labada sano FARMAAJO – Sadex munaasabad, sadex wasiir difaac iyo sadex taliye

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socoto Munaasabadda 59-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka ee 12-ka April oo ku beegan maalinta berri oo Jimco aheyd, iyadoo maanta oo Khamiis ah la soo hormariyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka Difaaca XFS ,Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, Taliyeyaasha Ciidamada iyo marti sharaf kale.

Ciidamada xoogga dalka ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku soo bandhigay dhoolatus iyo gaarda ka ciyaar,iyagoo Salaan sharaf siiyay Madaxda Qaranka.

Haddaba Munaasabadda 12-ka April ee sanad guurada 59aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sanadkan la xusayaa markii 3aad oo uu Madaxweyne Farmaajo talada haayo, iyadoo saddexdaas jeerna ee Munaasabadda 12-ka ay ka wada qeyb galeen Saddex Taliye iyo 3 wasiir Gaashaandhig oo kala duwan.

Munaasabaddii sanadkii 2017 waxaa dalka Wasiir Gaashaandhig iyo Taliyaha Xoogga dalka ahaa C/rashiid C/llaahi iyo Jen. Axmed Jimcaale Cirfiid.

Munaasabaddii 12 April ee dhacday sanadkii 2018 waxaa Wasiir Gaashaandhig ahaa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. C/weli Jaamac Gorod.

Munaasabaddan sanadkan 2019 waxaa dalka Wasiir Gaashaandhig ka ah Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), halka Taliyaha Ciidanka xoogga dalka uu yahay Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News