Booliska oo 40 qof xabsiga ku haya kadib dibad-baxii Muqdisho iyo hanjabaddii madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa dalbaday in muddo shan maalin ah xabsiga lagu sii hayo inka badan 40 Bajaajlayaal ah oo ku eedeysan inay qeyb ka ahaayeen banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

Dadkan ayaa loo xiray dibad-bax sabtidii ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday dilalka darwalada kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ku hanjabay in aan la aqbali doonin dibad-baxyada Muqdisho, dadka abaabulana la qaban doono.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ayaa lagu sheegay inay ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaadir iyo Xeer ilaalinta qaranka in xabsiga lagu sii hayo bajaajlayaasha ilaa baaritaankooda kasoo dhamaanayo.

Taliska booliska degmada Hodon ayaa ku cadeeyay dhalinyaradaan inay hor kacayeen banaanbaxyadii rabshadaha watay, iyaga oo dambi kaga dhigay inay qeyb ka qaateen  burburka iyo banaanbaxyadii weynaa ee Muqdisho ka dhacay.

Arinta ayaa imaaneyso iyadoo wali aan lasoo qaban askarigii dilay wiilkii Mooto Bajaajka waday iyo Abtigii, sidoo kale lama soo qaban askartii dadka banaanbaxa dhigayay waxyeelada gaarsiiyay.

Balse waxaa taa badalkeeda la xiray dadkii banaanbaxa dhigayay, waana arrin yaab leh, iyadoo sidaasi ay noqotay cadaalada laga sugayo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.