25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DF oo shaacisay qorshaha amniga Muqdisho ee bisha Ramadaan (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaariyey  Ciidamo gaar ah oo loogu talo galay Sugida amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamadaan oo Maanta la soo bandhigay ayaa qorshohoodu yahay in amniga Magalada Muqdisho ay xaqiijiyaan Maalmaha Bisha Ramaadaan oo maqalma qura inaga xigaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in ciidamadaas ay gaarayaan ilaa Saddex kun oo askari oo aan wax balwad ah laheyn kuwaas oo dhawaan tababar soo dhameystay.

Bishii ramadaan ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho wadooyinkeeda la dhigay Ciidamo farabadan oo ka qeyb qaatay sugida amniga,iyada oo dowladda ku dhawaaqday Nabad ku afur,waxaana amniga Magalada uu ahaa mid wanaagsan oo aysan ka dhicin falal amnidarro.

Hoos ka dhageyso guddoomiye Yariisow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News