Dowladda Somalia oo soo bandhigtay qandaraas lacag badan lagu heli karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahfurka tartanka Qandaraaslayda raashinka Ciidamada Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa  waxaa goobjoog ahaa Wasiiro Dowlaha Maaliyadda ahna ku-simaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiir ku xigeenka maaliyadda, Agaasimeyaasha guud wasaaradaha Maaliyada  iyo  Gaashaandhiga, saraakiil ciidan iyo guddi ka shaqeynaya kala saarirada shirkadaha u tartamaya, waxaana lagu qabtay xarunta wasaaradda Maaliyadda.

Diiwaan gelinta shirkadahaan ayaa loo maray hab daah furan sida uu sheegay Wasiiru dowlaha Maaliyadda Soomaaliya ahna ku simaha wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, waxaana  ujeedkiisu yahay tartankaan in lagu xaqiijiyo daah furnaanta iyo tayada adeega la qabanayo.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa waxa uu soo dhaweeyay in qandaraasyadaan oo qaranka muhiim u ah loogu tartamo si furan.

U tartamida qandaraasyada iyo howlaha kale ee qaranka ayaa hoggaamin karta xoojinta kalsoonida bulshada iyo hufnaanta howlaha ay qabanayaan shirkadaha ama shaqsiyaadka ku soo baxo si siman oo caddaalad ku dhisan.