Yuusuf Garaad oo si cajiib ah uga hadlay sharciga cusub ee doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal kooban kaga jawaabay meel marintii iyo wax ka badaladii lagu sameeyay xeerka doorashooyinka qaranka.

Sharcigaasi ayaa shalay waxaa ansixiyay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu Yuusuf Garaad sheegay in wax lala yaabo ay tahay in ruux sharcigii lagu doortay uu wax ka badalo, isaga oo muddo kororsi doonaya.

Hoos ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad.:-

Xisbi Siyaasadeed oo cusbaa laakiin caan ahaa oo ka jiray dal Afrika ah billowgii sagaashanaadkii oo aamminsanaa qof iyo cod ayaa haddana lagu eedeyn jiray in uu yahay Xisbi ka soo horjeeda Dimuqraaddiyadda.

Waxaa lagu eedeyn jiray in uu amminsan yahay qof iyo cod laakiin ay wax kale u wehliyaan marka uu guuleysto.

Eeddu waxay ahayd in uu aamminsanaa:

Hal Qof, Hal Cod iyo Hal Mar.

Waa sarriig la’aan siyaasadeed in siyaasi la doortay uu isku dayo in uu gacantiisa ku beddelo xeerkii isaga lagu soo doortay iyo muddadii loo doortay.

Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto.

Labada arrimood midna dan uma ahan nidaamkeenna siyaasadeed, is aamminaadda iyo xasilloonida kuwaas oo la’aantood aan dalku horumar ku tallaabsan karin.

Waan yeeli karaa looma yeelo.

Dhaarta ha la xusuusto hana laga dhabeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com