Maareeye oo laga cabsi qabo in loo adeegsado dagaal la damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa arbacadii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya kadib markii laga soo wareejiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wasiir Maareeye oo ah mas’uul aad ugu dhow Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre islamarkaana aan hadal dul saarin amar kasta oo Kheyre ka soo baxa sidiisana u fuliya ayaa la aaminsanyahay in loo adeegsan doono dagaal ka dhan ah oo lagu cuburin doono Warbaahinta maadaama bilooyinkii la soo dhaafay ay Xukuumadda Kheyre Warbaahinta u aragtay caqabad ku horgudban talaabo walba oo ay qaadi lahaayeen.

Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka jira hadal heyno iyo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Wariyaasha iyo Maamulada Warbaahinta kuwaas oo qaba cabsi ah in Xukuumadda Soomaaliya ay Maareeye ku caburiso Warbaahinta.

Sidoo kale Waxaa jirta Warar sheegaya in Waxyaabihii uu meesha uga baxay Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ay qayb ka aheyd in Wasaaradda Warfaafinta ay cadaadiso saxaafadda madaxabanaan Wasiir Geella-na uu diiday in uu hormuud ka noqdo Caga-Juglayn, Xarag iyo Cabsi gelin lagu Sameeyo Wariyaasha iyo Warbaahinta si loo aamusiyo.

Si rasmi ah looma oga hadalka ay wax ku dambeyn doonaan iyo sida uu xaal noqon doono balse waxaa jira walaac Xoog leh oo ay qabaan Madaxda Warbaahinta madaxbanaan ee magaalada Muqdisho.

Wariyaasha u arka Xukuumadda hadda jirta mid aad u xir xiran oo collaysata Warbaahinta Madaxbanaan balse waxaa la dhowrayaa sida ay xaaladda ku dambeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com