DAGAAL mar kale ka dhex qarxay Kaahin iyo Ciro

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta ka hadlay ragg loo soo qabtay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Somaliland.

Wasiir Kaahin ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dadka loo soo qabtay falkaasi, isagoona si adagna uga jawaabay eedo uu dhowaan usoo jeediyey Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdirxamaan Ciro, wuxuuna yiri:

“Saddex kamid ah dadkii dilay laba sarkaal gacanta lagu soo qabtay, toban qof oo taakulo iyo gacan ka gaystay badbaada dableydaasi waa la soo xiray, waxa kale oo la qabtay 4-gaadiid oo ay dilka ku fuliyeen iyo gaari kale markii uu falku dhacay taakuleeyey dablaydaasi, intaasba sharciga la horgeynaya”

Wuxuuna intaas kusii daray “Marka uu dhaawac yimaado waxay aheyd inuu Gudoomiyaha xisbiga Wadani qaranka la safto, balse waxa jirta inuu qaranka ka safan yahay, wuxuu ka heluu leeyahay, isagoo shakhsiyaad u jeedo oo si kale ku mucaaradi lahaa ayuu uu aniga eedeeyey dadkaasi dambigalay ayey isir wadaagan, si uu iskugu dhufto beelaha walaalaha ah oo is leeyahay sidaas baad taageero ku halaysa”

“Arrinkaasi waa la baarayaa oo baaritaanku kamid noqonaya Guddoomiye Cirro oo xogta uu helay inay xog jirta tahay iyo inuu ujeedadiisu banaanka usoo baxdo waa la baadhaya, waana ka xunahay isagoo xisbi qaran musharax u ahaa inuu sharciga ku gafo isagoo cid shakhsiyaad ah u jeedda ama dad kale u jeedda”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com