Video: Ciidamada DF oo rasaas ku eryey ehellada askar la dilay oo mushaar la’aan ka cabanayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Albaabka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta banaanbax ka dhigay ehellada askartii ku geeriyootay dagaaladii iyo qaraxyadii ka dhacay dalka Soomaaliya.

Dadka banaanbaxa dhigay oo u badnaa haweeyn iyo caruur, islamarkaana ahaa kuwa aad u careysan ayaa ka cabanayay go’aan ay sheegeen in dowladdu ay ku jartay xuquuqdii ay ka qaadan-jireen ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale intii uu socday banaanbaxa ayaa askar ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan nawaxiga dekadda Muqdisho waxa ay rasaas xooggan kula kala eryeen dadkii halkaasi maanta banaanbaxa ka dhigay.

Qaar kamid ah ehelada askartii ku geeriyootay dagaaladii iyo qaraxyadii dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo ku dhow afar bilood aysan helin wax mushaar ah, isla markaana qaarkood aysan shaqeyn karin.

Sidoo kale dadkii banaanbaxa dhigay ayaa eedeeyn waxay u jeediyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoona xusay in ay u baahan yihiin xuquuqdii ay heli jireen.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com