A/Madoobe oo ku digtay DF “Puntland isma beddesho ee madaxdeedaa is-beddesha”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe oo gaaray magaalada Garowe ayaa ka hadlay isbadalada ka dhacay deegaanada maamulka Puntland, isaga oo si dadban u diray madaxda dowladda.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in muddada uu xilka hayay Puntland ay yeelatay seddex madaxweyne, waxaana uu xilka madaxweynaha Jubbaland qabtay iyadoo Puntland uu madaxweyne ka yahay C/raxmaan Faroole.

Waxaa sidoo kale uu muddo la shaqeeyay madaxweyne Gaas, isaga oo hadda la shaqeynayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taasi oo ka dhigan inuu yahay madaxweynaha ugu waqtiga dheer maamulada.

Mar uu ka hadlayay madaxda isaga dambeysay maamulka Puntland ayuu sheegay in kaliya madaxda ay baneeyeen hogaaminta Puntland, balse uusan jirin isbadal ku yimid rabitaanka iyo qorshaha Reer Puntland.

Wuxuu sheegay in hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni laga filayay, gaar ahaan dowladda, inuu ka duwanaan doono madaxdii ka horeysay, laakiin taasi aysan muuqan islamarkaana kaliya Puntland hogaanka uu iska badalay.

“Waxaa intaan xukunka Jubbaland hayey isbedelay 3 M/weyne Puntland oo kala ahaa Faroole, Gaas iyo Dani, 3-doodaba magacyadii iyo shaqsigii uun baa isbedelay ee aragtiga siyaasada Puntland isma bedelin.”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii la doortay dad badan waxay saadaalinayeen inuu isbadal ku dhici karo hanaanka uu ku hogaaminayo shacabka Puntland, islamarkaana uu saaxiib la noqon doono dowladda Soomaaliya, balse taasi ma aysan dhicin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com